HomeB O O L I – Q A R AN

B O O L I – Q A R AN

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Aniga iyo ninkii aan martida u ahaa goobtii ayaanu  isaga dhaqaaqnay aniga oo cunuhu cadho I xidhan yahay,markiiba su’aalo badan ayaan is weydiiyey,tallow illaa goorma ayaa lagu jirayaa foolxumadan iyo fasahaadkan,xoolihii umada ayaa lagu kibray oo lagu qooqay ,mee ummadii waxan lahayd may iska daawanayaan,miyaanay damqaneyn,markiiba way isu jawaabtay waxaanay igu dajisay inay iman doonto maalin xaaldau sidan ka duwan tahay ooy shaqaynaso maxkamada illaahay.

Fiiri saaxiib baabuurkan isagoo farta ku fiiqaya gaadhi wadada maraya waa nooca Mercedes-Benz oo moodeelkii danbe ah,waxaa watey nin ay illma adeer ahaayeen Barre oo la odhan jirey Cabdi Xoosh,ninkaasi waxaa uu sida daaniyaha u feentay xoolihii masaakiinta iyadoo xoolaha intaasi le’eg uu u cantoobiyey ina adeerkiis,waxaa uu xaafada booli qaran ka
samaystay wershad lagu farsameeeyo qalabka beeraha iyo milateriga oo la odhan jirey ‘’indian ocean company’, waana sida aynu maanta ku aragno dalkeena gawaadhi  aad u qaaliya oo laga iibsaday xerada  MARIL ,oo ay sariibada kaga adeegayaan jaariyadaha wasiiradu.

Xukuumadaas ku caana maashay  musuqa waxaa ka mid ahaa nin indha la oo la odhan jirey Warsame Cabdillaahi Cali ,warsame indhoole oo uu adeer u ahaa  Barre,ninkasi waxaa uu madax ka ahaa hogaankii iskaashatooyinka soomaaliya,waa nin la hagayo oo hadana madax ka ah xafiisyadii ugu sareeyay qaranka ,inkastoo uu ahaa nin indhala hadana waxaa uu  xariif ku ahaa sida wax loo liqliqo.

Warsame indhoole waxaa uu aqalo badan ka dhistay magaalada muqdisho iyo magaalooyin ku yaal talyaaniga waxaa kale oo uu beero masno ah ka samaystay  shalanbood iyo janaale,Warsame indhoole waxaa uu dhulkaas beeraha ka samaystay xoog looga qaaday dad dan yar masaakiina,

Waxaan xusuustaa in maalin maalmaha ka mida werye cawke oo warka akhrinaya uu yidhi markuu ka yaabay,warsame oo soo dhegadhegeeyay meel hebla halkuu warku ahaa soo indha-indheeyey,ninka caynkaasi ahaa waxaa uu codsi  u gudbiyey ina adeerkiis barre si loo hoos keeno wakaaladii batroolka ummadda,hadal kama soo celin jaalle barre ,waxaana la hoos geeyay xafiiskii  iskaashatooyinka iyada oo loogu magacdaray Iskaashatada Batroolka,waana sida markhaatiga ka nahay maanta nidaamyadii kala duwanaa ee soo maray LAANTA ,xafiisyo la hoosgeynayo mataxtooyada ,maxaa is ka galay,madaxtooyo iyo dekadaha ,madaxtooyo iyo wakaalada jidadka,waa musuq-maasuq qaawan oon doqona loo sheegayn ,taasoo lagu naaxinayo qaar ehel iyo hayb wadaagaan nidaamka.

Warsame indhoole sidii caadada u ahyd gunta ayuu ka rijiyey iskaashatadii batroolka,taasinawaxay sababtay in markeliya magaalada laga waayo shidaal taasoo ay istaageen dhamaan gaadiidkii dedweynuhu kireysaneyeen ee loo yaqaanay BL. Subax hore ayaan soo toosay anigoo muraad u lahaa magaalada hoose,waxaan soo istaagay wadadii jubadda sare eexaafadayda ku xidhaysay farasmagaalaha,markiiba waxaan waayey, wax bas ah oo shaqanaya anigoo yaaban ayaan yara lugeeyey waxaan arkay gaadhi dameer buudhi jiidanaya oo dusha looga baxay oo lakalaboobayo ,markiiba anigi dushaan ka fuulay,waxaanu ku socanaa suuqa ceelgaab,intaan sii soconay ayaan weydiiyey bal waxa helay shidaalkii dabadeed wadihii dameerka ayaa iigu jawaabay ‘’xaan ka naqaan waxa helay illaahaa jooga’’markiiba wuu gaabsaday isagoo malaha ii qaatay been-sheegayaashii NSS,

Waxaanu sii socono markaanu gaadhnay Hotelkii jubba ayuu wadihii dameerku naga codsaday inaanu dhaadhacno,adeer ceelgaab na gaadhsii ayaanu ku nidhi waa uu diiday dowlada ayaa I xidhaysa ayuu yidhi iyadoo ka baqaneysay rayulcaamka,maalintaas ayaan dareemay in xamar ay soo hayso xumadda xanuun kulul oo dulhadhaynaya reer  banaadir oo xataa dadka aragtidooda siyaasadeed ay liidatay ay wax fahmeen. Si kastaba ha ahaatee duqii magaalada muqdisho oo la odhan jirey Cali ugaas cabdule ayaa ka damqaday foolxumada ay ku waabariisatay magaaladii uu xukumay ee dameeraha la kiraynayo markiiba madaxtooyada ayuu isku shubay waxaa fadhiya jaalle barre oo sigaar budhbudhinaya, subax wanaagsan madaxweyne iyowanaagsan ayaa la isugu celiyey ,waxaa uu uga waramay ceebta shidaal waa ee magaalada ka taagan,aaway iskaashatadii batroolku ayuu yidhi barre ,cunuga aad adeerka u tahay weydii ayuu yidhi  duqii magaaladu,iigu waca warsame ayii yidhi jaalle barre,warsame ayaa markiiba telifoon loo diray, markii uu soo gaadhay xafiiskii madaxweynaha ayuu kii hageyey ku yidhi sii daa bal waxaan xil u dhiibtay eeg ,soo soco maanka allaha kaa qaadee aaway shidaalkii qaranku,jaalle madaxweyne shidaalkii markabkii een een haa haa madaxweyne baduu ku soo jiraa,isagoo kolba gidaar jiidhaya oo aad moodo  waraabe dhiidhi ku raftay oo neeftuuraya ayuu  warsame ku beer laxawsaday ina adeerkiis.

Waar iga saara waxa imaanka allaha ka qaadee iga saara ayuu yidhi Barre isagoo cadhaysan oo giir iska kicinaya,warsame ayaa halkii laga luudiyey,Cali ugaasna hoosta ayuu ka yidhi bal maxaad u malayn kuwii indhaha qabay marhadii kii indhaha la;aa sidan jeebadaha u buuxsadau.

Lasoco cadadka danbe;

Qalinkii; Xuseen Siciid-mataan;

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories